HomeUncategorized

Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay ururada Bulshada Cadaado

Talaado, Juun 02, 2015 (Daljir) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa kulan balaaran xalay la qaatay Haweenka ka qayb galaya shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe iyo ururada haweenka ee degmada Cadaado.rn

IGAD oo dowladda Somaliya ku boorisay hirgalinta nidaamka faderaalka ee Somaaliya
Maamullada iyo odayaasha dhaqanka Mudug oo ku hawlan xal-u-helidda amman darrada gobolka.
Bannaanbax balaadhan oo maanta ka dhacay caasimada DDS ee Jigjiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenkii uu la kulmay kaalinta muuqata ay ku dhex leeyihiin bulshada, laga soo bilaabo ilaalinta iyo barbaarinta qoyska ilaa siyaasadda oo haweenka Soomaaliyeed ay door fir-fircoon ka qaataan nabadaynta iyo horumarka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ay xalay ilaa shalay kulamo gooni gooni ah la lahaa qabiilada iyo ergoonyinka shirka si xal looga gaaro tabashooyinka ay muujinayaan qabiilada qaar, waxaana kulamadaas ku soo idlaadeen is faham.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa degmada Cadaado u tagay inuu furo wajiga labaad ee shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, taas oo qayb ka ah dadaalka xukuumaddu ugu jirto sidii loo xaqiijin lahaa higsiga 2016..

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: