Saraakisha Ciidamadda DFS iyo Kuwa AMISOM oo shir Xasaasi ah isugu imaan doona

HomeWararka

Saraakisha Ciidamadda DFS iyo Kuwa AMISOM oo shir Xasaasi ah isugu imaan doona

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa shaaca ka qaaday in 4-ta bisha soo socota ee February uu magaa

MARTISOORKA: Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) – HALGAN NOLOLEED oo aad u Dheer | Qaybtii 4aad (daawo)
Shir lagu dardar galinayo Amniga Caasimada Muqdisho oo lagu qabtay Muqdisho ( Sawiro )
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa shaaca ka qaaday in 4-ta bisha soo socota ee February uu magaalada Muqdisho ka dhacayo shir u dhexeeya Taliska Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Jen. Indha Qarshe ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid diirada lagu saarayo qaabka ay u wada shaqeyn karaan Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee ku sugan dalka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ujeedka ugu weyn ee shirka uu yahay sidii duulaan loogu qaadi lahaa deegaanada Al-Shabaab, waxaana uu Taliyaha xoogga uu sheegay in sanadkan 2019 uu yahay sanadkii dowladdu ay qaadi leheyd weeraro waa weyn oo Al-Shabaab dalka looga saaro.

“Shirkaas waxaan ka soo jeedin doonaa qaabka aan rabno inaan ula dagaalano Al-Shabaab sanadkan 2019-ka, annaga iyo AMISOM waan ku heshiin doonaa, qaabkaas ayaana noqon doona qaabka wada fulinta howlaha soo socda ee 2019” ayuu yiri Taliye Indha Qarshe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu xilka la wareegay balan-qaaday in labo sano gudahood Al-Shabaab dalka uga saari doonaan, iyadoo weli dowladdu qaadin dagaal, waxaana todobaad kaddib ku beegan tahay sanad-guuradii labaad oo ka soo wareegatay markii Madaxweyne Farmaajo la doortay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: