Diyaarado dagaal oo xalay duqeyeey Degaano ka tirsan Gobalka Hiraan

HomeWararka

Diyaarado dagaal oo xalay duqeyeey Degaano ka tirsan Gobalka Hiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado ay duqeyn xooggan la eegteen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaan Kooofur ka xi

Wacaal daray: Saahid Mahamuud Cali oo ku guulaystay duqa degmadda Gaalkacyo
Wasiiradii Cusbaa ee Puntland oo Barlamaanka La Hadlaya (TOOS U DAAWO)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado ay duqeyn xooggan la eegteen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaan Kooofur ka xiga Luuq Jeeloow.

Dadka deegaanka Baacyar oo ah halka la duqeeyay ayaa ku soo waramaya inay maqleen jugta gantaalo ay rideysay diyaarad joog hoose ku socotay, taasoo guuxeeda si weyn looga maqlay deegaano ka fog halka la beegsaday.

Deegaanka gantaalada lala dhacay ayaa waxay 25km dhanka Koonfureed ka xigtaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Food Cadde ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in duqeynta khasaare lagu gaarsiiyay dagaalyahano ka tirsa Al-Shabaab ah oo ku sugnaa Saldhigga la beegsaday,

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: