Itoobiya oo sheegtay inay duqayn diyaaradeed ku dishay xubno ka mid ah Al-shabaab

HomeWararka

Itoobiya oo sheegtay inay duqayn diyaaradeed ku dishay xubno ka mid ah Al-shabaab

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqayn diyaaradeed ay ku dishay 35 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab. Duqaynta oo 24kii bishaan kadhacday dee

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA
WAA TALLAABO XADGUDUB SHARCI AH LA BIXIDDA MAGACA DALJIR EE TELEFISHINKA QARANKA ‘SNTV’.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta tegaya dalka Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqayn diyaaradeed ay ku dishay 35 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Duqaynta oo 24kii bishaan kadhacday deegaanka Buur Haybe ee gobolka Baay ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay Al-shabaabku ku lahaayeen deegaankaasi, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya oo ay warisay warbaahinta Itoobiya ee EBC.

Dowladda Itoobiya ayaa qayb ka ah howlgalka AMISOM, dhanka kallena waxaa jirra ciidamo kasocda dalkaasi oo ka madaxbanaan howlgalka AMISOM oo ka howlagala qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Itoobiya ayaa xustay in duqayntan ay jawaab u ahayd weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen kolonyo ka mid ah ciidamdeeda oo marayay deegaanka Buurhakaba.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: