Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho Uga Qayb Galay Shirka Dib-u-dhiska Dalka

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho Uga Qayb Galay Shirka Dib-u-dhiska Dalka

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qayb galay shir laba maalin socanayo

Mareykanka oo dib u celiyay diyaarad uu saarnaa qof laga Shakiyay
Muqdisho oo lagu qabtay Shir u dhaxeeya Wasaaradaha Cadaalada DFS iyo Maamul goboleedyada (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qayb galay shir laba maalin socanayo oo looga hadlayo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska dalku uu aad muhiim ugu yahay dawladda Soomaaliya maadaama uu dalku kasoo kabanayo bur-burkii ka dhashay dawlad la’aanta, sidaa darteed ka qayb galayaasha kulanka laga doonayo in si aad ah ay uga doodaan hannaanka ugu habboon ee qorshaha dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka hawlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow, oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirkaan oo ah kii sagaalad oo looga hadlo dib-u-dhiska dalka uu soo gebageboobayo maalinta berri ah, lana filayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Wasiir Hoosow ayaa sheegay in shirkaan lagu lafa gurayo qaybgaha hor-tebinta leh ee dib-u-dhiska dalka iyada oo lagu jaangoynayo qorshaha horumarinta qaranka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: