HomeUncategorized

Jarmalka oo Taageero Dheeri ah u ballan-Qaaday Soomaaliya

Axad, May 24, 2015 (Daljir) — Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier waxa uu ka hadlay Xaalladda dalka Somalia, isagoo xusay inay muuqdaan calaamadaha deganaanshaha.

“Kampala waxaa ka socda gorgortan …hoggaanka baarlamaanku ma aha hoggaan daacad u ah dalka & dadka” R/wasaare Farmaajo.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Ganacsiga oo looga Hadlayo Xayiraadda UAE ee Xoolaha Somalia
Ra?isal wasaaraha Liibiya oo goor dhow la sii daayey xili saaka laga afduubtay hoygiisa Tripoli

Axad, May 24, 2015 (Daljir) — Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier  waxa uu ka hadlay Xaalladda dalka Somalia, isagoo xusay inay muuqdaan calaamadaha deganaanshaha.

“Caalamadaha degaananshaha ayaa ka muuqda Somalia, inkastoo uusan weli  dalka ka gudbin khatarta Kooxaha Islaamiyiinta” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Jarmalka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Jarmalka iyo Beesha Caalamka samaynayaan dadaalkooda ugu sareeyey si loo dhiso Hay’addaha  Siyaasadeed ee Somalia, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dib-u-heshiisiinta Bulshadda.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier ayaa sheegay inay Ciiddankooda Hubeysan ka si imid ahaanayaan Hawlgalka Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia.

Wasiirka ayaa War Saxaafadeed ka soo saaray go’aanka lagu gaaray arrintaasi, wuxuuna xusay in aqlabiyad ballaaran loogu codeeyey inay Ciiddankaasi sii wataan Hawlgalka Midowga Europe ee Atalanta Operation.

Wasiirka waxa uu uga mahadceliyey Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalkaasi, isagoo sheegay inaysan jirin wax maraakiib ah oo u gacan galay Burcad-baddeeda saddexdii sanno ee la soo dhaafay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: