HomeUncategorized

Xildhibaan Maanta lagu Dhaawacay Muqdisho oo Geeriyooday

Sabti, May 23, 2015 (Daljir) — Xildhibaan Yuusuf Dirir ayaa u Geeriyooday Dhaawac ka soo gaaray weerar ay maanta kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ku qaadeen gaari ay la socdeen isaga iyo Mudane kale oo marayay Jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, iyadoo sidoo kalena uu geeriyooday darawalkoodii oo uu dhaawac soo gaaray.

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Madaxda Soomaaliya oo tacsi u diray ehelada dadkii wax ku noqday weerarkii maanta ee Beledweyne
DHEGEYSO-Madaxweynaha Soomaaliya oo Alshabaab ugu baaqay inay dowladda isudhiibaan.

Sabti, May 23, 2015 (Daljir) — Xildhibaan Yuusuf Dirir ayaa u Geeriyooday Dhaawac ka soo gaaray weerar ay maanta kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ku qaadeen gaari ay la socdeen isaga iyo Mudane kale oo marayay Jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, iyadoo sidoo kalena uu geeriyooday darawalkoodii oo uu dhaawac soo gaaray.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanku uu u geeriyooday Dhaawicii maanta soo Gaaray, Wuxuuna Tilmaamay inuu xildhibaanku ahaa mas’uul Wadankiisa u soo shaqeeyay, isla markaana ahaa ruux ku hami-weyn inuu arko Somalia oo mideysan.

“Allaha u naxariistee marxuumku wuxuu ahaa nin Dalkiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayay inuu arko Somalia oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatay Bur-burkii iyo Colaadihii. Sidoo kale Wuxuu ahaa ruux si wanaagsan uga dhex-muuqday Baarlamaanka,’’ ayuu yiri Jawaari.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah loogu soo qabtay dilkan.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: