Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Daawo)

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Daawo)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenya

Madasha Daljir: Guddoomiyaha isdhexgalka dhalinyarada Gobolka Mudug Maxamed Sheekh Siciid
Shir looga hadlayo ladagaalanka Musuq maasuqa oo lagu qabtay Boosaaso (dhegayso)
Raiisul wasaare ku-xigeenka DFS oo daahfuray Shirweynihii Dhalinyarada (dhegayso)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan.

Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro.

Intii uu kulanku socday ayaa ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheekha uga mahad celiyay olalaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka, isaga oo sheegay in uu yahay barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in culimadu ay yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna aad muhiim ugu tahay dalka in ay qaataan dawr-kooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: