HomeUncategorized

Maydka wariye Soomaaliyeed oo lagu Arkay xeebaha Masar

Jimco, May 15, 2015 (Daljir) — Wararka ka imaanaya Dalka Masar ayaa sheegaya in Meydka wariye Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdi casiis Sheikh Ibraahin Al-cadaala laga helay Xeebta Al-iskaandiraya ee Dalka Masar.

Dhagayso Axad, 24, January 2016 – Barnaamijka Saakay iyo Dunida Wariye Jamaal Faarax Aadan (Studio Daljir Gaalkacyo)
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Toll-Man
Dayax-madoobaad xalay siweyn looga dareemay waddamo badan oo adduunka ah Soomaaliyana ay ka mid tahay.

Jimco, May 15, 2015 (Daljir) — Wararka ka imaanaya Dalka Masar ayaa sheegaya in Meydka wariye Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdi casiis Sheikh Ibraahin Al-cadaala laga helay Xeebta Al-iskaandiraya ee Dalka Masar.

Wararka ayaa sheegaya in wariyahaan uu doonayay in uu ka Tahriibo Xeebta Magaaladaasi islamarkaana uu raacay Doon yar oo Laash ah,taas oo ku wareejin rabtay Doon weyn oo badda joogtay,balse uu ka dhacay Doonta asaga iyo Labo Nin oo kale oo u dhashay Dalka Suudaan.

Wariye ku sugan Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar  oo la yiraado Cabdi Yaasiin ayaa VOA u sheegay in Wariyaha uu doonayay in uu halkaa ka tahriibo islamarkaana uu ka dhacay Doonta sidaana Meydkiisa lagu helay.

Alle ha u Naxariistee Wariyaha Geeriyooday ayaa ka soo Shaqeeyay TV-yada Royal iyo Somali Chanel iyo sidoo kale  la shaqeynayay Websetyo .

By: KNN

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: