Maxamed Cabdirisaaq: Faahfaahin sida weerarka hoteelka Nairobi ku biloowday (dhegayso)

HomeWararka

Maxamed Cabdirisaaq: Faahfaahin sida weerarka hoteelka Nairobi ku biloowday (dhegayso)

Wararkii ugu danbeeyey ee weerarka Nairobi ayaa dowladdu sheegtay in meydka la tiriyey uu hadda gaaray 15. Tirada dhaawaca illaa iyo hadda lama shaaci

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ee Baraawe
Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo u jawaabay Madaxweyne Farmaajo
Hiigsi & Hayaan: Taxanaha 26aad iyo Cabdifataax Cumar Geeddi (dhegayso)

Wararkii ugu danbeeyey ee weerarka Nairobi ayaa dowladdu sheegtay in meydka la tiriyey uu hadda gaaray 15. Tirada dhaawaca illaa iyo hadda lama shaacin. Dadka dhintay ayaa safaaradda Mareykanku sheegtay in uu ku jiro qof muwaadin Mareykan ah.

Weerarka maanta ee hoteelka DusitD2 waxaa sheegtay kooxda Al-shabaab, waana weerarkii labaad ee Nairobi tan iyo weerarkii sannadkii 2013 ee Westgate Mall oo lagu dilay 67 qof.

Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxa dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in hotelka hadda laga nadiifiyey argagixisadii soo weerartay, lana wado hubinta hoteelka oo dhan. Saas oo ay tahay, hal saac kabacdi warkaas dowladda ka soo baxay waxaa la maqlayey xabbado ka dhacaya hoteelka dhexdiisa.

Haddaba hotelka la weeraray waa mid noocee ah, qaabkee se weerarku ku bilowday? Maxamed Cabdirisaaq oo ah Lataliyaha Madaxweynaha DFS oo ku sugan goob u dhow barta la weeraray ayaa u warramay Radio Daljir, siiyeyna faahfaahin sida weerarku ku biloowday.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: