Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Ciidamo xoreyn isku diyaarinaya (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Ciidamo xoreyn isku diyaarinaya (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jub

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo
DALJIR SPORTS NEWS | MAXAA KEENAY IN DFS AYNA LA XISAABTAMIN XIRIIRKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA? (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (daawo)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Cadowgana ay u diideen in ay deegaanka soo holiyaan Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay dadaalkooda iyo shaqada Qaran ee ay qabteen mar walba lagu xusuusan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Rayid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu halkan ahaana ay shaqooyin u tagi doonan meelo kale si ay deeganada kale u xoreeyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore cadowga lagu naafaynayo taas oo dhabaha u xaaraysa in la jabiyo Shacabka ayuu sheegay Madaxweynahu in ay Ciidamada u yeerayaan oo ay leeyahiin noo kaalaya sidaas darteedna ayna jirin sabab looga sii maqnaado waa sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: