Madaxweynihii Hore Ee Puntland oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub.

HomeWararka

Madaxweynihii Hore Ee Puntland oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08 January 2019 u hambalyeeyey Madaxweynaha

Mid Kamid ah Xildhibaanada Mooshinka Kawadda Shariif Xasan oo ka hadlay Mooshinkooda halkuu marayo (dhegayso)
Maraakiibta sida sharcidarada uga kaluumaysta xeebaha Puntland oo xeelad cusub la soo baxay (daawo)
Barlamaanka Jubbaland oo Xasanadi ka qaaday Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Akhriso)

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08 January 2019 u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ugu horayn Alle ‘SWC’ uga shukrinaqay qabsoomidda doorashada taariikhiga ah ee dowladda Puntland iyo shacabkeedaba u qabsoontay, Isla markaana waxa uu u hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee shanta sano ee soo socota Dr. Saciid Cabdullaahi Deni.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland ee shanta sano ee soo socota Dr. Saciid Cabdullaahi Dani” ayuu yiri Madaxweynuhu hore ee Puntland.

“Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee muujiyey shaqo hufan oo wanaagsan, taasina waxa ay ka turjumaysaa, muujinaysaana bisaylka dadka reer Puntland iyo golohooda Baarlamaanka” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, Isla markaana ay la garab istaagaan talo iyo tamarba.

“Waxaan shacabka Puntland kula dardaarmayaa meel walbay joogaanba inay si joogta ah oo kala harlahayn oo wanaagsan ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland ee maanta la doortay, waxaan aaminsanahay in Madaxweynaha cusubi uu yahay Madaxweyne is taahila inuu Puntland hogaamiyo shanta sano ee soo socota, kana gudbin kara Puntland caqabadaha maanta horyaala” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Saciid Cabdullahi Deni kula dardaarmay inuu dalkiisa iyo dadkiisaba ugu adeego sida uu dhaarta ku maray oo ah cadaalad fal, hufnaan iyo wadaniyad.

=DHAMMAAD=

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: