HomeUncategorized

Kenya oo muwaadiniinteeda kala baxaysa koonfurta Suudaan xili qalalaasuhu ku sii kordhayo

Nairobi, December 19, 2013 - Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta inay si nabadgelyo ah ula soo baxdo muwaadiniinteeda jooga Koonfurta Suudaan oo ay maalintii afraad ka socdaan dagaalo siyaasadeed oo u dhexeeya.

SOMALIA: Al-shabaab waxa ay sii jiri kartaa 30 oo Danbe
RW Cabdiweli Sheikh ?qof kasta oo dembi ku gala gudaha dalka cadaaladda ayaa la marsiinayaa?
Qaar kamid ah beelihii ka Qayb-galayay Shirka Cadaado oo isaga baxay magaaladaas

Nairobi, December 19, 2013 – Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta inay si nabadgelyo ah ula soo baxdo muwaadiniinteeda jooga Koonfurta Suudaan oo ay maalintii afraad ka socdaan dagaalo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo falaago ka soo horjeeda.

Wasaaradda arrimaha dibeda ee Kenya ayaa shaacisay in la dhaawacay Afar ka mid ah muwaadiniinteeda jooga koonfurta Suudaan, kuwaas oo la soo qaadi doono dhaawacooda.

Marwo Aamina Mohamed oo ah wasiirka arrimaha dibeda ee Kenya waxay sheegtay in dowladeeda ay gaadiid u dirtay Koonfurta Suudaan si ay u daadgurayso dadkeeda rayidka ah ku xayiran gudaha magaalada Jubba

Wasiir Aamina ayaa tiri ?Koonufrta Suudaan waxaan u dirnay 15 bas oo sii mari doona dalka Uganda, kuwaasoo lagu soo daad-gureyn doono muwaadiniinteeda halkaas ku sugan.?

Kenya waxay tix-gelinaysa oo ay soo qaadaysaa muwaadiniinta doonaya inay dalkooda dib ugu soo noqdaan sida lagu sheegay warka wasaaradda arrimaha dibeda ee dalka Kenya

Dowladda Kenya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyey ee muwaadiniintiisa kala baxaya koonfurta Suudaan tan iyo markii qalalaasuhu ka bilowday, haatana falaagada ayaa qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ku yaala bariga dalkaas.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: