HomeUncategorized

Isimada gobolka shabeelaha hoose oo dowladda ku eedeyey inay hurinayso dagaalka (Dhegeyso)

Marka, December 15, 2013 - Odoyaasha iyo waxgaradka gobolka shabeelaha hoose ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruunta gobolka ee Marka, shirka ayaa intiisa badan lagu soo qaaday dagaalo ka socda gobolka.

Ardayda dugsiyada sare ee Puntland oo isu diyaarinaya imtixaanka fasalka 4-aad (form 4) ee sannad dugsiyeedka 2009/2010.
Dhagayso Warbixin: Puntland oo biri Boossaaso kusoo dhawaynaysa Kuxiggeenka Danjiraha QM ee Soomaaliya Mr Peter de Clercq
Ciyaartii Finaalaha oo galabta ka socota Mire Awaare & gobolka Bari oo Gool leh.

Marka, December 15, 2013 – Odoyaasha iyo waxgaradka gobolka shabeelaha hoose ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruunta gobolka ee Marka, shirka ayaa intiisa badan lagu soo qaaday dagaalo ka socda gobolka.

Shirka oo dhacay maanta waxaa lagu dhaleeceeyey dagaal beeleedka ka socda gobolka oo ay qayb ka yihiin ciidamada dowladda federaalka oo hab qabiil u abaabulan.

Odoyaasha ayaa xubno aan la magcaabin oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku eedeyey inay hurinayaan dagaalka beelaha ku salaysan ee ka socda gobolka.

Suldaan cabdi Cali iyo Ugaas Abroonne Maxamed Sheikh oo la hadlayey radio daljir ayaa xusay in xaalada gobolku ay tahay mid adag, iyagoo ku eedeyey mid ka mid ah beelaha gobolka shabeelaha dhexe inay ku soo duuleen gobolka, sida ay hadalka u dhigeen.

Shabeelaha hoose weli waxaa ka socda dagaalka u dhexeeya qaar ka mid ah beelaha, waxaana maanta uu ka socdaa deegmada Jannaale ee isla gobolkaas, sida uu daljir u xaqiijiyey gudoomiyaha degmada oo sheegay in khasaare badan uu maanta dhashay.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso: – Maxamed Cabdullahi duyuurad oo daljir ka tirsan ayaa waraystay odoyaasha shiray qarkood

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: