HomeUncategorized

Ehellusuna oo dan gaar ah ku tilmaamay go?aankii baarlamanka ee lagu tuuray xukuumada (Dhegeyso)

Guriceel, December 4, 2013 - Ururka Ehellusuna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay go?aankii baarlamanka Soomaaliya ay kalsoonida kagala noqdeen Ra?isal wasaare Cabdi faarax shirdoon iyo xukuumadiisa.

Muhaajirin ay ku jiraan Soomaali oo ku Geeriyooday Dooni ku Qalibantay badda Gariigga
Baahin: Axad, Nov 06, Weriye Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. Caalamka Islaamka oo maanta laga xusayo munaasabada Ciid al adhxa; Iska-horimaad hubaysan oo sababay khasaare dhimasho & dhaawac leh oo ka dhacay Ceerigaabo, Sanaag; Diblamaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda ee dawlada federaalka oo tababar uga furmay Dubai.
Somalia oo Shir Muhiim ah uga Qayb-gashay Jabuuti

Guriceel, December 4, 2013 – Ururka Ehellusuna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay go?aankii baarlamanka Soomaaliya ay kalsoonida kagala noqdeen Ra?isal wasaare Cabdi faarax shirdoon iyo xukuumadiisa oo shaqada ka tegaya.

Ehellusuna ayaa go?aankaas ku tilmaamay mid aan ka turjumayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Ehellusuna ee gobollada dhexe Sheikh Cumar Cabdulqaadir ayaa ku tilmaamay khilaafka madaxda sare ee dowladda oo keenay in baarlamanka mooshin laga geeyo xukuumada in uu ahaa mid dano gaar ah laga leeyahay, isla markaasna lagu afduubay rabitaanka Soomaalida.

?Tan kama turjumayso go?aanka rasmiga ah ee baarlamanka iyo xataa doonista shacabka Soomaaliyeed, waa mid laga lahaa dano gaar ah oo laga shaqeeyey, wayna dhacday in xukuumada la tuuro.? Ayuu yiri sheikh Cabdulqaadir oo waraysi siiyey Daljir

Ugu dambayntii gudoomiyaha gobollada dhexe ee Ehellusuna sheikh Cumar Cabdulqaadir, waxaa uu sheegay in uu meel wanaagsan marayso hanaanka maamul u samaynta Ehellusuna ee gobollada dhexe dalka Soomaaliya oo mudo socday.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso:- Jamaac cabdiraxmaan oo daljir ka tirsan ayaa waraystay Gudoomiye Sheikh Cumar

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: