HomeUncategorized

Booliska federaalka oo Muqdisho ku qabtay gaadiid laga dhacay kayd shidaal oo ku gubtay KM4

Muqdisho, November 30, 2013 - Ciidamada booliska dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa xalay ilaa shalay Muqdisho ku qabtay, dhowr baabuur oo la sheegay in ay wateen dad aan lahayn oo soo dhacay.

Xubnaha Barlamaanka Somaliya ee diidan guddoonka oo gaashaanka ku dhuftay codsi uga yimid Madaxweynaha.
DHEGEYSO-Kulan dib loogu eegayey waxqabadka wasaaradda caafimaadka oo Galkacyo kadhacay.
Koonfurta Kuuriya oo damacsan inay ciidamo hor leh oo la dirira Burcad-badeeda u soo dirto gobolka

Muqdisho, November 30, 2013 – Ciidamada booliska dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa xalay ilaa shalay Muqdisho ku qabtay, dhowr baabuur oo la sheegay in ay wateen dad aan lahayn oo soo dhacay.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in la qabtay gaadiidka kadib markii laga shakiyey, waxaana baabuurta ku jiray dhowr gaari oo lagala baxay kayd shidaal oo ku yaala KM4, sida boolisku sheegeen

Kaydka shidaal ee KM4 ayaa gubtay maalin ka hor, xilligaas oo la dhacay hanta uu ku jiro gaadiid intii lagu mashquulsanaa xilliga daminta dabka.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Yuusuf Maddaale ayaa ugu baaqay dadka hantida leh ee gaadiidku ka maqan yahay in ay tagaan xaruumaha booliska ee Muqdisho, ma uusan sheegin faah-faahin dheeraad oo lagu cadaynayo gaadiidka in la soo dhacay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: