HomeUncategorized

Puntland oo war aan jirin ku sheegtay in shirkii Khaatumo 3 uu xilligan ka socdo Taleex (Dhegeyso)

Taleex, October 24, 2013 - Dowladda Puntland ayaa ka hadashay war dhowaan ka soo baxay masuuliyiinta maamulka Khaatumo kaas oo sheegayey in shir balaaran uga socdo degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir Xarunta Garoowe 11 07 2016.
(Dhagayso) Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir 10 – February 2016 Wariye Xasan Heykal Daljir Studio Boossaaso
M/weyne Shariif oo sheegay in aas qaran loo samayn doono Alle ha u naxariistee M/weyne C/llahi Yuusuf Axmed.

Taleex, October 24, 2013 – Dowladda Puntland ayaa ka hadashay war dhowaan ka soo baxay masuuliyiinta maamulka Khaatumo kaas oo sheegayey in shir balaaran uga socdo degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo uu xiligan booqasho ku joogo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Wasiirka ku xigeenka wasaarada maaliyada ee Puntland Cabdi qowdhan oo la hadlay idaacada daljir ayaa sheegay in maalintii labbaad ay wefdiga madaxweynaha ku sugan yihiin Taleex oo ka tirsan Sool, isla markaasna uusan jirin wax shira oo khaatumo uga socda halkaas.

?waa wax laga xumaado in rag ksheeganaya in ay ka tirsan khaatumo ay dhahaan waxaa shir nooga socdaa Taleex, maaha in dadka wax aan jirin loo sheego oo laga dhaadhiciyo.? Ayuu yiri Cabdi qowdhan waxaa yiri isagoo hadalkiisa sii wata .? hadalkaas waxaan ku sifaynayaa mashruuc dadka laga iibinayo.?

Maxamed Yuusuf Indhasheel oo ka tirsan masuuliyiinta Khaatumo ayaa shalay isna la hadlay idaacada daljir oo uu ka sheegay in uu socdo shirkii saddexaad ee Khaatumo, kaas oo xiligan si habsami leh u socda ?isla markaasna Taleex ay tahay xaruuntii maamulka.

Wasiir qowdhan waxaa uu sheegay in safarka madaxweynaha uu yahay mid balaaran oo la xiriira arrimo dhowr ah isla markaasna uu qaadan doono ilaa inta xal laga gaarayo ujeedka safarka madaxweyne xigeenka Cabdisamad Cali shire.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Cabdiweli maxamed sheikh oo daljir ka tirsan ayaa waraystay wasiir Cabdi qowdhan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: