HomeUncategorized

Amb. Ameeriko ? Kenya eedayn aan la hubsan ayey saartay qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab?

Nairobi, October 24, 2013 - Dowladda Soomaaliya ayaa eedayn aan sal lahayn ku tilmaantay in qaxootiga Soomaalida ee jooga xeryaha Dhadhaab ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab, isla markaasna ka qayb qaataan.

Soomaaliya oo martigelinaysa shir madexeedka Urur goboleedka IGAD.
Baahin: Khamiis, Feb 16, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. R/wasaare Gaas oo ugu baaqay madaxda shirka Garowe II dhamaystirka dastuurka & dib u habaynta baarlamaanka; Ganacsatada oo dhib kala kulanta wadada isku xirta Bossaso & Laasqoray oo burbursan, caqabadna ku ah ganacsiga; Mudanayaal ka tirsan dawlada federaalka oo ku baaqay in dastuurka Somaliya lagu dhaqan geliyo afti shacab.
Caawa iyo Daljir, Axad Dec 16-2012, Cabdifataax Cumar Geeddi ‘ ( Nairobi Kenya )

Nairobi, October 24, 2013 – Dowladda Soomaaliya ayaa eedayn aan sal lahayn ku tilmaantay in qaxootiga Soomaalida ee jooga xeryaha Dhadhaab ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab, isla markaasna ka qayb qaataan weerarada Argagixiso ee ka dhaca gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameriko ayaa ka jawaabay eedayn ka soo yeertay guddiga Baarlamanka ee dalka Kenya, taas oo lagu sheegay in khatarta ugu badan ee Kenya ka jirta ay ka timaado xeryaha Qaxootiga Soomaalida joogaan.

? Waan ka xunnahay khasaaraha ka dhashay weerarkii Westgate, haddana waxaan ka sii xunnahay eedaynta aan la hubsan ee dusha laga saaray dadka Soomaalida qaxootiga ah, waxaan leenahay maaha Argagixiso lugna kuma leh.? Ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Guddiga difaaca ee baarlamanka Kenya ayaa dhowaan ku baaqay in la saaro dadka qaxootiga ah ee xeryaha jooga, iyagoo weliba ku celceliyey in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, isla markaasna laga soo abaabulo weerarada Argagixiso ee dalka ka dhaca.

Waxaa uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Kenya oo arintaas ka hadlay in ay dowladda Kenya marar badan kala shireen sidii loo hakin lahaa go?aanka dib u celinta qaxootiga Soomaalida, balse weli lama hayo go?aan kama dambays ah oo ay Kenya qaadatay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: