HomeUncategorized

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kal-fadhi ka yeelanaya hindisaha horumarinta Bankiga dhexe

Muqdisho, October 5, 2013 - Baarlamanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay maanta isugu imaanayaan kal-fadhi balaaran, kaas oo looga doodayo howlo shaqo iyo sharciyo cusub oo ay la timi xukuumada.

DHEGEYSO-Maxaa ka cusub xeebaha gobolada Nugaal iyo Mudug.
Mudane Seysey ?Askarta iyo shaqaalaha dowladda hala siiyo mushaarkooda waa muhiim xilliga Ciida?
Dhallinyarooy, Taariikhdu waa Dhacdo ku Dhaaftey oo leh Bilow iyo Dhamaad Xirmey

Muqdisho, October 5, 2013 – Baarlamanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay maanta isugu imaanayaan kal-fadhi balaaran, kaas oo looga doodayo howlo shaqo iyo sharciyo cusub oo ay la timi xukuumada Soomaaliya.

Kal-fadhiga oo lagu wado in uu furmo goor dhow ayaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa Hindise sharciyeedka horumarinta Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo qayb ka ah howlaha hor yaala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xilibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah baarlamanka federaalka ah waxaa uu warbaahinta u sheegay in sidoo kale shirka maanta ee baarlamanka lagu dhegaysan doono warar ay soo gudbinayaan xilibaano ku maqnaa gobollada dalka.

Waxaa uu sheegay xilibaanku in aad oo loo gorfayn doono qorshaha horumarinta Bankiga dhexe ee Soomaaliya, oo dhowaan la soo gudbiyey waxaa uu sheegay in ay guul ka rajaynayaan fadhigooda maanta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: