HomeUncategorized

Wakiilada midowga Yurub ee Soomaaliya iyo barriga Afrika oo canbaareeyey weerarkii Kismaayo

Brussels, September 13, 2013 - Ururka midowga Yurub ayaa si buuxda u canbaareeyey weerarkii shalay lagu qaaday madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), weerarkaas oo khasaare.

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ku taageertay 356-Milyan oo doolar sanadkii lasoo dhaafay.
Baahin: Axad, 25- Aug 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Cabdifataax Cumar Geeddi ~ Daljir ~ Galkacyo
Dufacadii 5-aad oo u fariisatay imtixaanka aqbalaadda ee Jaamacadda Muqdisho faraceeda Bosaso (Sawiro)

Brussels, September 13, 2013 – Ururka midowga Yurub ayaa si buuxda u canbaareeyey weerarkii shalay lagu qaaday madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), weerarkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawc leh ay ka dhasheen.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan barriga Afrika, Alexander Rondos, iyo danjiraha EU u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d?Urso, ayaa ku dhawaaqay in tacsidooda gaarsiinayaan ehelladii ay dadku kaga dhinteen Qaraxii shalay ee Kismaayo.

EU waxay sheegeen in qorshaha Soomaaliya iyo maamulka Jubba marka la eego heshiiskii ay ku galeen Adis-Ababa uu si wanaagsan u socdo isla markaasna labbada dhinacba ay ku jiraan fulintiisa, waxayse canbaareyn u jeediyeen caqabadaha Al-shabaab ee weerarada iyo Qaraxyada ah.

Ugu dambeyntii midowga Yurub waxay sheegeen in ay wefdiga Soomaalida ku soo dhoweynayaan shirka Brussels ka dhacaya maalinta Isniinta ah ee 16 September, waxay ku tilmaameen mid lagu midaynayo wakhtiga Soomaalida ay hiigsanayso mustaqbal wanaagsan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: