HomeUncategorized

Prof. Gaas oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay inta badan siyaasadeeda ku jihayso amniga dalka

Lusaka, September 10, 2013 - Ra?isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa mar kale ka hadlay xaalada amaan ee dalka Soomaaliya mudo sanad ah kadib, wuxuuna dowladda Soomaaliya.

Galguduud oo loo dhisayo guddiga guurtida odoyaasha si loo helo dib-u-heshiisiin iyo nabadayn
Punsa oo ku baaqday in wada-hadal lagu xaliyo khilaafka maamulka iyo musharixiinta (Dhegeyso)
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo CC Geeddi.

Lusaka, September 10, 2013 – Ra?isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa mar kale ka hadlay xaalada amaan ee dalka Soomaaliya mudo sanad ah kadib, wuxuuna dowladda Soomaaliya u jeediyey baaq dhinaca amaanka ah.

Prof. Gaas oo booqasho ku jooga magaalada Lusaka ee dalka Zambia ayaa ka hadlay xaalada dalka, wuxuu sheegay in ay jiraan meelo badan oo ka mid ah dalka oo ay ka muuqato amni xumo baahsan, weliba magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

? Ciidanka amniga Soomaaliya iyo kuwa taageera ee AMISOM iyo xataa meleteriga dalka, waxaa laga rabaa in ay isku howlaan sidii ay u sugi lahaayeen amniga caasimada oo ay joogaan Soomaali badan iyo madaxdii dowladda? ayuu yiri Prof. Gaas.

Ra?isal wasaarihii hore ee dalka wuxuu ugu baaqay dowladda ay in ay siyaasadeeda ku jihayso amniga gudaha gaar ahaan caasimada, markaas ayuu tilmaamay in guul laga gaari karo ururka Al-shabaab oo uu ku sifeeyey cadowga dadka iyo dowladda.

Ururka Al-shabaab ayaa Qaraxyo waa weyn iyo kuwa Argagax leh oo yar yar intaba waxay ka fuliyaan Muqdisho, weliba weerarada ayaa aad u sii xoogeystay bilihii ina dhaafay, siyaasada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan la sheegaa in ay tahay mid ku salaysan horumarinta dhinica debeda, in kastoo ay hadana ku mashquulsan tahay sugida amniga dalka.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: