HomeUncategorized

UN-ka oo dayactir iyo daryeel caafimaad la gaari doona xabsiyada gobolka Hiiraan iyo maxaabiista

Beledweyne, September 6, 2013 - Qaramada Midoobey ayaa dayactir iyo daryeel bulsho u samaynaysa xabsiga Beledweyne iyo maxaabiista ku jira, halkaas oo ay booqasho ku tageen saraakiil ka tirsan UN-ka oo qaabilsan.

Duqa magaalada oo aan ka waraysanay dooni ku basbeeshay dekeda Bossaso. [Dhegaysi …]
Duqa magaalada Galkacyo oo aan ka waraysanay wafti ka socda QM oo Galkacyo kulamo kula yeeshay madaxda gobolka.
DHAGAYSO:Ra’iisul-Wasaare ku Xigeenka Somaliya oo ka Qayb-galay Sanad-guuradii 56-aad ee Ciidanka Cirka

Beledweyne, September 6, 2013 – Qaramada Midoobey ayaa dayactir iyo daryeel bulsho u samaynaysa xabsiga Beledweyne iyo maxaabiista ku jira, halkaas oo ay booqasho ku tageen saraakiil ka tirsan UN-ka oo qaabilsan dhinaca nabadgelyada iyo dhaqan celinta.

Labba sarkaal oo ka socday UN-ka ayaa ?Kormeer ay ku sameeyeen xabsiga dhexe ee Beledweyne iyo Saldhiga degmada kadib, waxay shaaciyeen in uu ?jiro dayac badan oo ka muuqda xabsiga dhexe iyo maxaabiista ku jira.

Saraakiisha UN-ka ee booqday xabsiga Beledweyne waxay sheegeen in ay dhisme dayactir ku sameyn doonaan xabsiga, sidoo kale waxay balanqaadeen in ay adeegyo caafimaad la soo gaari doonaan maxaabiista ku jira xabsiga.

Col. Isaaq Cali Cabdulle Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in saraakiishu ay u kuur galeen xaalada guud ee xabsiyada iyo saldhigyada booliska ee ku yaala xaruunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, wuxuu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan Balanqaadkooda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0