HomeUncategorized

Puntland oo lacagta faalsada ah ku tilmaanay mid laga leeyahay dano gaar ah, xili dadka loo digay

Boosaaso, August 30, 2013 - Dowladda Puntland ayaa ka digtay lacagta faalsada ah ee la keenayo gobolka, xili toddobaadkan dhexdiisa la gubay in ku dhow 1 Billion oo shilin Soomaali ah, lacagtaas.

(DHAGEYSO) MAANHADAL YAA LEH XULIDA BAARLAMAANKA
Kulan wacyigelin ah oo ku saabsan daryeelka Caruurta oo lagu qabtay magaaladda Buuhoodle (Sawiro + Cod)
Baahin: Salaasa, 30 July 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe

Boosaaso, August 30, 2013 – Dowladda Puntland ayaa ka digtay lacagta faalsada ah ee la keenayo gobolka, xili toddobaadkan dhexdiisa la gubay in ku dhow 1 Billion oo shilin Soomaali ah, lacagtaas oo ah mid warqado ka samaysan.

Wasiir ku xigeenka amniga ee Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, wuxuu bulshada uga digay in ay ku dhiiradaan isticmaalka lacagta faalsada ah, taas oo ?laga keenay gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Mudane Cabdijamaal wuxuu kaloo degniin culus u jeediyey gaadiidka lacagta soo qaada iyo ganacsatada ku howlan soo gelinta lacag faalso ah ee gobollada Puntland, taas bedelkeeda wuxuu sheegay in ay ciidamadu heegan ku jiraan.

Docda kale wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntland wuxuu ku ku sifeeyey lacagta faalsada ah mid lagu doonayo in lagu khal-khal geliyo amniga deeganada Puntland, isagoo arrintaas ka hadlayey ayuu sheegay in ay tahay ?mid ay ku jiraan dano siyaasadeed oo kala duwan.

Wasaarada amniga ugu dambeyntii waxay dadka reer Puntland uga digtay isticmaalka lacagtan oo ah mid ka duwan lacagaha kale ee caadiga ah, Bosaso ayaa shalayto lagu gubay 420 Milyan oo shilin Soomaali Faalso ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: