HomeUncategorized

Guddi ay horkacayso wasiirka adeegga bulshada ee Soomaaliya oo weli ku mashquulsan baaris kufsi

Muqdisho, August 22, 2013 - Guddiga ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u xil-saartay baarista eeda la xiriirta kufsi dhowaan loo geystey gabar Soomaaliyeed, ayaa soo saaray war-bixin cusub.

Agaasime Gaardi iyo wariye Siciido-kiin oo hadda laga siidaayey saldhigga Garowe.
Madaxda dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula Kulmay wafdi ka socday USA
Dhagayso Caawa iyo Daljir 21 March 2016 Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin)

Muqdisho, August 22, 2013 – Guddiga ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u xil-saartay baarista eeda la xiriirta kufsi dhowaan loo geystey gabar Soomaaliyeed, ayaa soo saaray war-bixin cusub oo ay kaga hadlayaan halka wax marayaan.

Wasiirka adeegga bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Drs, Maryman Qaasim oo guddigaasi madax u ah ayaa sheegtay in aysan weli jirin war-bixin rasmi ah oo dheeli-tirsan.

Drs, Maryman waxay saxafiyiinta u sheegtay in baaritaanku uu marayo halkii la rabay isla markaasna ay socdaan xog aruurin dheeraad ah, oo arritan la xiriirta, bulshada Soomaaliyeed ayaa aad isha ugu haya arintan.

Wasiirku waxay sheegtay in caddaalada la horkeeni doono raggii kufsigaasi geystay marka baaristu dhamaato, gabadha ayaa waxaa kufsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM 8 August ee aynu ku jirno.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: