HomeUncategorized

Hay?ada Bisha Cas ee UAE oo kordhisay Gargaarkii ay siin jirtay dunida oo ay Soomaaliya ugu horeyso

Dubia, Aug 2, 2013 - Hay?ada bisha ee UAE ayaa war-bixin cusub oo ay saareen ku sheegay in ay kordhinayaan deeqaha gargaar ee ay siin jireen dalalka ay dhibaatooyinka ka jiraan ee dunida.

Beesha caalamka oo baaq u dirtay maamulada kajira Soomaaliya.
Saamaynta ay keeni karto xanibaada adeegyada Dawlada Maraykanka (Dhegayso)
20 Somali tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha dalka Yeman. [Akhris …]

Dubia, Aug 2, 2013 – Hay?ada bisha ee UAE ayaa war-bixin cusub oo ay saareen ku sheegay in ay kordhinayaan deeqaha gargaar ee ay siin jireen dalalka ay dhibaatooyinka ka jiraan ee dunida, kuwaasi oo ay Soomaaliya kaalin weyn ka tahay.

Bisha Cas waxay si rasmi ah u sheegtay in gargaarkooda aduunka ee sanadkan uu noqon doono lacag gaaraysa ilaa 8 Bilyan oo lacagta Emarat-ka ah, iyadoo lacagtaasi inteeda badan lagu taageeri doono dalalka ay ka jiraan dhibaatooyinka bini?adanimo, iyo abaaraha baahay.

Dalka Soomaaliya ayaa bisha Cas waxay gaarsiisay lacag dhan 145 Milyan sanadkii hore, balse sanadkan waxaa loo qorsheeyey 213 Milyan oo ah lacag aad uga badan tii sanadkii hore, hay?adu waxay sheegtay in ay lacagtaasi ugu talo gashay sidii loo cirib tiri lahaa dhibaatooyinka dalkaas ka aloosan.

Xog-hayaha guud ee bisha cas Emarat-ka Mohammad Ateeq Al Falahi oo arintaasi shaaciyey ayaa sheegay “Mashruuca qiimahaasi ah oo ka dhacaya inka badan 100 wadan ayaa gaaraya 8 Bilyan oo lacagta Dubia ah, waxaana lix bilyan oo kamid ah ka faa’ideysan doona dalalka ay kamid yihiin Soomaaliya Pakistan, Philippines, Haiti, Lebanon, Madagascar, Sudan, Libya, Egypt, Syria, Palestine, Mali, Malaysia, Afghanistan, US, Bosnia, iyo wadamo kale”

Hay?adu waxay sheegtay in lacagtaasi ay dadka ugu faa?iideyn doonaan siyaabo kala duwan oo ay ku jiraan dhismaha guryaha dadka barkaacay, Gargaar raashin, qodida ceelal, dhismaha waddooyin, iskuulo, xaruumo caafimaad, iyo dhisme loo samaynayo dadka guryo la?aantu haysato.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: