HomeUncategorized

Qaban-qaabada shirka Isimada Puntland ee magaalada Qardho oo gebo-gebo maraya (Dhegeyso)

Qardho, July 31, 2013 - Magaalada Qardho ee xaruunta gobolka Karkaar wararka ka imanayaa waxay sheegayaan in ay heer gebo-gebo ah marayso qaban-qabada shirka Isimada Puntland, kaas oo la filayo in uu dhowaan

Dagaal dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay tuulada Eeragoo oo qiyaastii 80km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buurtinle.
Hay?ada FAO oo Soomaalida ugu baaqday in ay kalluunka cunaan si looga hortago macaluusha gobolka
Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Somalia ay Gar-gaar Cunto u Baahantahay

Qardho, July 31, 2013 – Magaalada Qardho ee xaruunta gobolka Karkaar wararka ka imanayaa waxay sheegayaan in ay heer gebo-gebo ah marayso qaban-qabada shirka Isimada Puntland, kaas oo la filayo in uu dhowaan ka dhaco xaruunta Karkaar.

Shirarka ay yeelanayaan guddiyada loo xir-saaray shirka Isimada ee Qardho ayaa maalmihii tegey halkaasi si habsami leh uga socday, iyagoo kaga tashanaya nooca shirka uu noqon doono iyo qaban-qaabada guud.

Guddiyada shirka qaban-qaabinaya ayaa haddaba maanta waxay shir ku qabteen Hotel Alla-Aamin ee Qardho, waxaana halkaasi lagu qeybiyey war-murtiyeed ka soo baxay guddiyada shirka abaabulaya, iyadoo war-bixintaas dadweynaha iyo buslhada qeybeheeda loo qeybiyey ay ku qornaayeen dhaliilaha wakhtigan ka jira Puntland.

Afhayeenka Guddiga qaban-qaabada Isimada Puntland Mustafe Siciid (Shabac) ayaa kadib war-murtiyeedkaas, wuxuu gudaha Hotelka ku qabtay shir jaraa?id oo uu ku iftiimiyey in isimadu ay ka shiri doonaan horumar la?aanta iyo dib u dhaca ku yimi Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Tan iyo bishii hore ayaa abaabulka shirkaasi wuxuu ka socday magaalada Qardho, waxaase Wasaarada arrimaha gudaha ee Puntland ay ?hadda ka hor sheegtay in aysan waxba kala socon shirka Isimada ee ka dhacaya xaruunta gobolka Karkaar.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso – War-bixin ka hadlaysa shirka isimada, Muxyadiin Hiirad ayaa diyaariyey.

http://daljir.com//resources/files/Gudiga%20Qaban%20Qaabada%20shirka%20isimada%20puntland%20%20oo%20shir%20jaraaid%20ku%20qabtay%20hotel%20ala%20aamin%20ee%20magaalada%20qardho%20%20waxana%20ay%20shirkooda%20ka%20soo%2

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0