HomeUncategorized

Dagaal beeleed ka bilowday gobolka Sh/Hoose ( Dhegayso)

Marka, 25 July 2013-Dagaalkani oo u dhexeeya laba beelood ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Madoobe oo ilaa 18 KM u jira magaaladda Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

DHEGEYSO-Qoyska wiil waalan oo Galmudug maxbuus Jubbaland ah ku sheegtay.
Odayaasha Degmada Burtinle oo yeeshay Guri ay ku shiraan[DHAGAYSO]
Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM oo soo dhaweeyey heshiiska Madaxweynaha & Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Marka, 25 July 2013-Dagaalkani oo u dhexeeya laba beelood ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Madoobe oo ilaa 18 KM u jira magaaladda Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.
?
Dagaalka ayaa bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii deegaanka Ceel-Madoobe ay weerar kusoo qaadeen ciidamo beeleed kusoo duuley dadka deegaankaasi.
?
Gudoomiyaha degmada Marka ugu magacaaban Dawlada Federalka Maxamed Yariisow oo u waramay Radio Daljir xili uu kusugnaa duleedka meesha dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in saaka ay weerarkusoo qaadeen deegaanka Ceel-Madow ciidamo beeleed kusoo duuley beel deegaanka ah.
?
“Waxaa is dagaalay laba beelood beel ayaa beel kusoo duushey saakay waxaa deegaankaasi qabsaday beeshii soo duushey hadana waa laga qabtay oo dadkii deegaanka ayaa haysta,” ayuu yiri gudoomiyaha degmadda Marka ee gobolka Sh/Hoose.
?
Gobolka Sh/Hoose ayaa mudooynkii danbe waxaa ka taagnaa xiisado u dhexeeya laba beelood arintani oo ka bilaabatay muran ka dhashay awood qaybsiga dhanka maamulka Dawladu halkaasi u magacowday ayaa isu bedeshey dagaal gacan ka hadal ah, waxaana dagaalani maanta uu geystey khasaare walow aan tira koob rasmi ah nala soo gaadhsiin.
?
Wixii kasoo kordha dagaalkaasi kala soco Radio Daljir
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Buuhoodle?
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: