HomeUncategorized

Mudaharaadayaal Masaari Oo buux dhaafiyey Taxriir iyo Madaxtooyada iyagoo dalbanaya is casilaada Mursi.

Qaahira, 1, July 2013- Tobbanaan kun oo banaan baxayaal ah ayaa isugu yimid fagaaraha Tahriir iyo wajahada hore ee guriga Madaxtooyada Masar kuwaasi oo dalbanaya in uu is casilo madaxweyne Maxamed Mursi oo ka socda dhinaca Xisbiga Ikhwanul Muslimiinta ee dalkaasi.

Shirkadda Horn Petroleum oo sheegtay in ay shidaal ka heshay ceelka shabeel-1 ee Puntland
DHEGEYSO-Tartan kubadda cagta ah oo ka furmay magaalada Garoowe.
Safiirka Imaaraadka Carabta u Fadhiya Somaliya oo Garowe soo Gaaray

Qaahira, 1, July 2013- Tobbanaan kun oo banaan baxayaal ah ayaa isugu yimid fagaaraha Tahriir iyo wajahada hore ee guriga Madaxtooyada Masar kuwaasi oo dalbanaya in uu is casilo madaxweyne Maxamed Mursi oo ka socda dhinaca Xisbiga Ikhwanul Muslimiinta ee dalkaasi.

War-baahinta Barriga dhexe ayaa maanta aad uga faaloonaya arinta ka aloosan Qaahira xaruunta dalka Masar waxaa la sheegaya in taageerayaashu ay ka caraysan yihiin nidaamka maamul ee Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi oo xilka haya ku dhowaad hal sano markii uu ku soo baxay codka shacabka ee dalkaasi.

2. ruux ayaa ku dhintay mudahaarayada oo xataa ka socda qaar ka mid deeganada iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi waxaana ay haatan u socdaan si degan oo aan rabashado wadan, in kastoo la filan karo mar kasta in ay wax is bedelaan.

Dadka mudaharaayada iyo?? hugaamiyaashooda ayaa xukuumada Mursi ku eedeyey in uu ku guul daraystay xalinta dhibaatooyinka Arrimaha dhaqaalaha iyo Amaanka xili mudo ku dhow sanad ay ka soo wareegtay wakhtigii xilkaasi loo dhiibay oo uu ku soo baxay tartan dheer oo uu galay isagoo ka guuleystay xubno la xulufo ahaa Dowladii la riday ee Xusni Mubaarak.

?? Dhagxaan iyo dhalooyin shidaal laga buuxiyey ayaa lagu tuuray gurriga xisbiga Ikhwanul Muslimiinta ee magaalada Qaahira,? sidaasi waxaa sheegaya wararka ka imaya magaalada caasimada ah Oo ah halka ay rabshadaha ugu badan ka socdaan.

Hugaamiyaasha soo abaabulay mudaharaadka ayaa ku baaqay in la sii wado mudaharaadkan balaaran ilaa uu xilka iska caasilayo Madaxweyne Mursi oo ay dadka caraysan haatan ku xoosan yihiin gurriga uu ka howlgalo ee madaxtooyada, weliba waxay ku baaqeen hugaamiyaashu in la taagnaado fagaaraha ilaa is casilaada madaxweyne Mursi.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: