HomeUncategorized

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar oo shacabka ugu baaqay inay qaataan lacagta Shanta boqol ah oo dhawaan lagga diidey halkaasi.

Qardho , 13 June 2013 ? Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar C/qaadir Axmed Khayr (Bashka) oo maanta wareysi siiyey Radio Daljir ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool gobolkaasi karkaar inay qaataan lacagta Shanta boqol ee Shilin Soomaaliga ah.

Madaxweynaha Maraykanka oo tartanka doorashada madaxtinimada dalkaasi ka bilaabay gobolka Ohio
Dhagayso Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir 13 – Febru – 2016 Wariye Khadro Maxamed Maxamuud
DHEGEYSO-Madaxweyne Gaas oo ka hadlay askar lasheegay in Dacish afduubatay.

Qardho , ?13? June ?2013 ?? Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar C/qaadir Axmed Khayr (Bashka) oo maanta ?wareysi siiyey Radio Daljir isaggo kusugan magaaladda Qardho, ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool gobolkaasi karkaar inay qaataan lacagta Shanta boqol ee Shilin Soomaaliga ah.

C/qaadir Axmed Khayr waxaa uu sheegey gabbi ahaan gobolka karkaar ee magaallo madaxdiisu tahay Qardho in lagga diidey lacagtaasi shanta boqol ah, waxaana uu xusay diidmadda lacagtaas inay ka danbeeyaan dad danno gaar ah leh oo kasoo horjeeda hormarka bulshadda iyo Soomaalinimadda.

Sido kale taliyaha wuxuu sheegey inay tallaabo cad ka qaadi doonaan cidii diida lacagtaasi ayna xabsi mutaysan doonaan,? C/qaadir Axmed khayr wuxuu kallo? shacabka ugu baaqay? inay ka shaqeeyaan amniga, islamarkaasina waxkasta oo car qaladdayn kara nabbad galyadda meel uga soo wadda jeensadaan,

Dhinaca kale waxaa uu caddeeyey in magaaladda Qardho ay kasocdaan shirar loogga soo horjeeddo Maamulka hadda jira ee uu madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Faroole, isaggo xusay inay og? yihiin shirarkaasi hase ahaate aysan waxba ka qaban karrin,? ??Dowladda Puntland ayaa ka gaabisay arrintaas wax ka qabashadeeda sababtoo ah wax amar ah oo la igu siiyey majirto iyo wax ciidan ah oo la isoodiray anna howshaasi awooddeeda malihi ayuu yiri taliye Bashka.

?

Idle Moallim Omar

Radio Daljir Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: