HomeUncategorized

Maxkamadda gobolka Nugaal oo maantay la horkeenay sixiroolle Dakhtar caafimaad ku shaqeysan jirey.

Garoowe,12 June 2013-Maxkamada gobolka Nugaal ayaa maanta la horkeenay, C/laahi Xasan Bakaal oo lagu eedeeyay inuu ka shuqeysan jiray xirfado caafimaad oo uu san aqoon u lahayn, kuwaas oo la sheegay inay dhibaatooyin u gaysteen dad uu horey u daaweeyay oo u badan dadka ku nool xeryaha barakacayasha garowe.

Baahin: Salaasa, Dec 27, Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. M/weyne Faroole & R/wasaare Gaas oo kulamo la yeeshay bulshada Qardho & Carmo, laguna soo dhaweeyey Bossaso; Warbixin ku saabsan kulan ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo la kulmay M/weyne Shariif; Maamulka degmada Ufeyn oo walaac ka muujiyey maraakiib shisheeye oo jariif xoogan ku haya dhul-xeebeedka degmada.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo amar ka soo saaray garoonka Aadan Cadde.
kulan laggu soo dhaweynaayo xafiiska cusub ee UNSOM Soomaaliya oo Garowe ka dhacay

?

Garowe,12 June 2013-Maxkamada gobolka Nugaal ayaa maanta la horkeenay ?C/laahi Xasan Bakaal oo lagu eedeeyay inuu ka shuqeysan jiray xirfado caafimaad oo uu san aqoon u lahayn ?kuwaas ?oo la sheegay inay ?dhibaatooyin u gaysteen dad uu horey u daaweeyay oo u badan dadka ku nool xeryaha barakacayasha garowe.

Waxaa maxkamada laggu soo bandhigay qalab caafimaad iyo kuwo kale oo la tilmaamay inuu ninkani dumarka kaga daaweyn jiray cudurada Umuliso biyoonka, kaankarada, ekfishinnka ?iyo kuwo kale, ?Waxaana la sheegay haweenkii lagu sameeyay farsamadaan qaarkood in laga helay xanuunka Aidska sida ay maxkamadda ka sheegeen dhakhaatiir baarritaanno ku sameeyay dumarkaasi.

Maxkamada waxaa kale oo laggu soo bandhigay shahaaddo iyo warqado ay xeer illaalintu? sheegtay inay yihiin ?been abuur uu ninkaan ku shaqeysanayay.

Eedaysannaha ayaa isugunna ku dooday inuusan wax lug ah ku lahayn dambiyadda lagusoo oogay. Wuxuuna ?sheegay inuu haystay shahaaddo aqoontiisa cadeynnaysa oo uu sheegay inuu xoogg kagga qaatay taliyaha? ciidanka bilayska Nugaal.

Dood dheer kadib ayaa maxkamadu sheegtay in kiiska ninkani dib loogu dhigay ilaa arbacada dambe si loo helo cadeymo buuxda oo muujinaysa dambiga eedeesanahaas.

Taliyaha qeybta bilayska gobolka Nugaal gaashaanle sare C/raxmaan Xaaji Abshir oo isagu ninkaan soo qabtay ayaa shir jiaa?id uu ku qabtay banaanka maxkamada wuxuu sheegay ninkaas inay kasoo qabteen xeryaha barakacayaasha Garowe, halkaasi oo la sheegay inuu ku lahaa xarun uu dadka ku daweyn jiray.

Gaashaanle C/raxmaan wuxuu sheegay ?ninkaan inuu halis ku yahay ?dadka iyo dalka, uuna adeegsanayay xirfad uusan aqoon u lahayn iyo qalab aan fayadhowr lahayn.

Ninkaan ayaa dadka xogg-ogaalka u ah waxay xaqiijiyeen inuusan lahayn xirfad caafimaad oo awood u siin karta inuu wax daaweeyo, waxaana maxkamaddiisi dib loo dhigay illa maalinta Arbacada ah, sida ay sheegeen sarakiisha maxkamadda, waxaana ay dib u dhigista kiiskaan sabab uga dhigeen dacwaddaha laggu oogayo oo aan dhamaystirnayn.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli wasaaradda caafimaadka Puntland ay soo saartay sharci caafimaad oo dhigaya inuusan ?qofna ruqsad la?aan noqon Karin dhaqtar caafimaad, islamarkaana furan Karin xarun caafimaad.

Idle Moallim Omar

Radio Daljir Garowe

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: