HomeUncategorized

Ciidamadda ammaanka Puntland oo sheegey sargaal katirsan shabaab inay Boosaaso ku qabteen.

Bosaaso,June 04 2013- Ciidamadda amaanka Puntland ayaa maanta galinkii danbe ku qabtay magaaladda Boosaaso, sargaal katirsan al-shabaab.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Jaamac Abdurahman
Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP oo war saxaafadeed uu soo saaray ku dhalleeceeyey xariga weriye C/fitaax J. Mire & caburinta suxufiyiinta.
Madax ka tirsan Dowladda Somaliya oo Booqanaya Xabsiyada Puntland

.Bosaaso,June 04 2013– Ciidamadda amaanka Puntland ayaa maanta galinkii danbe ku qabtay magaaladda Boosaaso, sargaal katirsan al-shabaab.

Wasiirka amnniga Puntland Khaliif Ciise (Mudan) oo wareysi siiyey Radio Garowe ?ayaa sheegey inay gacanta ku dhigeen xubin katirsan ururka al-shabaab, kaas oo ?muddooyinkii u danbeeyey ku dhuumaalaysanayey magaaladda Boosaaso.

Khaliif Ciise, ayaa sheegey ninkaan inuu kamid ahaa kooxda Amniyaadka ee shabaab, waxaana uu xusay inay muddo ku raad-joogeen isagoo intaas ku daray inuu fuliyey falal dilaal ah oo ka dhacay Puntland.

Dhinaca kale hal-qof? oo rayid ah ayaa ku dhintay? goobtii ay howl-galka kasamaynayeen ciidamaddii gacanta ku soo dhigay? ninkaan,dhimashada qofka rayad ka ah ayaa timid ka dib marki ay rasaas is-waydaarsadeen ciidanka iyo ninkaan oo lasheegay inuu ku hubeysnaa Bum gacmeed iyo Baskoolad, waxaana uu wasiirku ka tacsiyeey khasaaraha dhimasho ee ka dhacay goobtaas.

Idle Moallim Omar

Radio Daljir garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: