HomeUncategorized

HRW oo dowladda Kenya ku eedaysay xuquuqda banii’aadamka inay ku xadgudubtay

Bosaso, May 29 - Dowladda Kenya ayaa lagu eedaynayaa inay ciidamadeedu gaysteen xadgudubyo ka kooban dil, kufsi iyo xarig, kuwaasi oo ay u gaysteen qaxooti Soomaaliyeed oo gudaha wadankeeda ku sugan.

Qaar kamid ah beelihii ka Qayb-galayay Shirka Cadaado oo isaga baxay magaaladaas
?Puntland oo soo bandhigtay kooxo burcad badeed iyo tahriibayaal ah oo lagu qabtay xeebta Ceelaayo.
Booliska Kenya oo xadka ay la wadaagaan dalka Uganda ku xiray ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah.

Bosaso, May 29 – Dowladda Kenya ayaa lagu eedaynayaa inay ciidamadeedu gaysteen xadgudubyo ka kooban dil, kufsi iyo xarig, kuwaasi oo ay u gaysteen qaxooti Soomaaliyeed oo gudaha wadankeeda ku sugan.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda HRW ayaa lagu sheegay xadgudubyadaan inay galeen ciidamada Kenya tan iyo bilowgii sanadkii 2012.

Waxaa dhibaatooyinka ugu badan ee ciidamada Kenya ay galeen uu kadhacay xeryaha qaxootiga Soomaalida iyo xaafado kalle ku yaalla magaaladda Nairobi oo ay ciidamadu howlgallo ka sameynayeen sida lagu sheegay warbixin ay hay’addu soo saartay oo lagu waraystay qaar ka mid ah dadkii ay ciidmadu dhibaatadda u gaysteen.

Hay’adaha caalamiga ayaa horay Kenya ugu eedeeyey xadgudubyo ka baxsan banii’aadantinimada oo ay u gaysteen qaxooti Soomaaliyeed oo dalkeeda joogay, waxaana dowladda Kenya inta badan lagu eedeeyaa ciidamadeeda inay dhibaatooyinka ay gaystaan dadka shacabka ah xiliyada amni darrada ay ka dhacaan gudaha dalkeeda oo dad aan dambiyo galin dhibaato loogu gaysto.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: