HomeUncategorized

Imtixanaadkii shahaadada Schoolada Puntlad oo ardaydu u farisan doonto 25 May

Garowe.23 May-wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa maanta dirtay 200 oo howl wadeena ah oo isugu jira kormeeerayaal iyo shaqaale loogu talo galay inay la socdaan imtixaanaada shahaadiga ah ee 25 bishaan ka bilaambaya gobolada Puntland.

Caraale, afhayeenka Xisb al Islam oo sheegay in dilka Cumar Xaashi uu ku faraxsan yahay. Dhegaysi …
Maamuka Cusub ee Gobolka Kar-kaar oo xilka la wareegay
Al-shabaab oo Twitter-ka ku shaaciyey magacyada ragga haysta gurriga Westgate ee Nairobi

Garowe.23 May-wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa maanta dirtay 200 oo howl wadeena? ah oo isugu jira kormeeerayaal ?iyo shaqaale loogu talo galay inay la socdaan imtixaanaada shahaadiga ah ee 25 bishaan ka bilaambaya gobolada Puntland.

Agaasimaha xafiiska imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Saahid oo wariyayaasha kula hadlayay Garowe? ayaa sheegay dadkaan inay isugu jiraan kormeerayaal isha ku haynaya ardayda imtixaanaadka galaya iyo shaqaale ?kale oo imtixaanaadka soo qaadaya.

Axmed Saahid waxaa kale uu sheegay imtixaankaan inay u farisandoona 8.500 arday ah oo dhigta fasalada 4-aad ee dugsiyada? sare iyo kuwa sideedaadka ee dugsiyada dhexe. Waxaana uu intaa ku daray in ardaydaas dhamaantood ay maalinta sabtida ah ee 25 bishaan u fadhiisanayaan imtixaankooda.

Wasaaradda wxbarashada Puntland ayaa horey usoo gabagabeysay imtixaadaadkii aan shahaadiga ahayn ee Puntland, Waxaana haatan ?lagalay waqtiyadii fasaxa iskoolaadka.

Radio Daljir Somalia?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: