HomeUncategorized

M/wayne ku xigeeenka Puntland oo kulan Ammaanka looga hadlayo la qaatay waxgaradka Gobolka Bari

Boosaaso:19 May-todobaadadii ugu dambeeyey waxaa magaalada Bossaso ku sugnaa m/weynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo iskugu jiray hay'adaha dawladda, kuwaasi oo kulamo la yeelanayey qaybaha bulsho ee gobolka iyo maamulkaba.

Madaxweyne Obama oo shaaciyey in ay Israel kala shaqaynayaan waajihidda Iran
Ciidankii Somaliland ee ku sugnaa Widhwidh & Balli-hadhac oo ka baxay fariisimadoodii ciidan, una gurtay dhanka Burco.
Dowlada Cumaan oo deeq raashin ah gaarsiisay 1500 oo qoys oo ku sugan magaalada Kismaayo

Boosaaso:19 May-todobaadadii ugu dambeeyey waxaa magaalada Bossaso ku sugnaa m/weynaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo iskugu jiray hay’adaha dawladda, kuwaasi oo kulamo la yeelanayey qaybaha bulsho ee gobolka iyo maamulkaba.

Kulamadaasi ayaa looga arriminayey xaaladda gobolka iyo xaqiijinta amnigiisa, iyadoo la isla meeldhigay wax-ku-oollo badan oo ku aaddan xoojinta amniga iyo u toog-haynta waxkasta oo wax u dhimi kara xasiloonnaanta gobolka.
Maanta ayaa m/weynuhu kulankii ugu dambeeyey la yeeshay nabaddoonada iyo culimo awdiinka gobolka Bari, waxaana kulankaasi oo saacado badan socday looga hadlay isla arrimaha amniga, iyadoo si guud la isku tusaalaynayey ahmiyadda gobolkaasi uu u leeyahay dadka iyo dawladda Puntlandba.
?
Shirkaasi M/weynuhu uu la yeeshay culimada iyo nabaddoonada ee maanta, waxaa lagu qabtay aqalka Madaxtooyada Puntland, waxaana nooga qaybgalay, warbixintaanna nooga diyaarshay
?
Idle Moallim Omar
Radio Daljir Somalia
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: