HomeUncategorized

Caasho Geele Diiriye oo hay’ad samafal oo wadaniya ka furtay Gaalkacyo(sawirro)

Gaalkacyo, April 22- Marwo Caasho Geele Diiriye ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furtay hay'ad samafal oo wadaniya taasoo xarunteeda weyn ay noqon doonto Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada nabadsuigadda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo faahfaahiyay isku day qarax oo la fashiliyay.
R/wasaare Gaas oo kormeeray madasha shirka ee madax dhaqameedka Somalida, codsina u gudbiyey.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan.

Gaalkacyo, April 22- Marwo Caasho Geele Diiriye ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furtay hay’ad samafal oo wadaniya taasoo xarunteeda weyn ay noqon doonto Gaalkacyo.

Munaasabaddii lagu daah furay hay’adan samafal oo lagu magacaabo TAG Foundation ayaa waxaa ka qayb galay marti sharaf kala duwan oo lagu casumay, waxaana ugu horayn aasaaska TAG iyo waxyaabaha ay qaban doontaba sharaxday marwo Caasho Geele Diiriye oo tilmaamtay inay hay’adani u qareemi doonto bulshada gaar ahaan inta jilicsan.

Marti sharafta munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa Dr. C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacade),nabadoon Yaasiin Cabdi Samad,Eng Cumar Dheere iyo maamo Dhudi Yuusuf oo dhamaantoodba soo dhaweeyay hay’adan ay aasaastay wasiiraddii hore ee haweenka Puntland Caasho Geele Diiriye.

Hay’addan cusub ayaa la filayaa inay wax badan gacan ka gaysato caawimaadda iyo taageerada bulshada ku nool deegaanada Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Diiwaanka wararka daljir
Gaalkacyo
Maslax

Daawo sawirada

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: