HomeUncategorized

Ra’iisal Wasaaraha wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Addis ababa(Sawiro)

Addis ababa, Apr 05 - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti oo muddo labo cisho ah ay booqasho ku joogeen.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Maan-Hadal iyo Dood Adag oo Ku saabsan Muranka G.Bakool
?Madaxda gobolka Mudug oo shir ku saabsan amniga gobolka la yeeshay madaxda dadka barakacayaasha ah (IDPs).
COMMUNIQUE ON THE ELECTORAL MODEL FOR 2016

Addis ababa, Apr 05 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo kicitimay dalka Jabuuti oo muddo labo cisho ah ay booqasho ku joogeen.

?
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehliya Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenka ganacsiga Maxamed Cali Xaggaa iyo saraakiil ka tirsan xafiiska.
?
Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo xubno kale, waxaana loo soo galbiyay hotelka Sheraton.
?
Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali lahaayeen dhismaha hay’adda loogu magac daray Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo lagu ?magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi.
?
Booqashada Ra’iisal Wasaaraha oo qaadan doonta muddo labo cish oah ayaa waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato madaxda dalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta urur goboleedka IGAD.
\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"
?

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Addis ababa, Ethiopia

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: