HomeUncategorized

Maalinta qaaxada aduunka oo maanta Puntland si wayn looga xusay (Sawiro)

Garoowe,24 march 2013 Munaasabad lagu maamuusayay maalinta qaaxada aduunka oo ku began 24 march ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Waxgaradka Jubbaland oo ka hadlay Shirka Muqdisho & khilaafka taagan (dhegayso)
Ganacsiga Soomaaliya oo ku xirmay caalamka iyo xaruunta maalgashiga oo la hir geliyey.
Al-shabaab oo ku hanjabtay weeraro aar-goosi ah oo ku wajahan dawladda iyo AMISOM.

Garoowe,24 march 2013?Munaasabad lagu maamuusayay maalinta qaaxada aduunka oo ku began 24 march ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Munaasabadaan ayaa? lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe? Waxaaana ka qaybgalay mas?uuliyiinta wasaaradda caafimaadak , xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland ,dhaqaatiirka iyo dad lagasoo kala xulay qeybaha bulshada ee gobolada.

Dadkii munaasabadaan ka hadlay? ayaa isku raacay in cudurka qaaxada looga boskoonkaro hadii ?qofka bukaan ahi uu tago xarumo loogu ?daweeyo ee ku yaala gobolada iyo degmooyinka.Wasiirka caafimaadka Puntland Cali Claahi Warsame oo ?Soo xiray munaasabada ayaa dadka uga baaqey inaysan aadin xarumaha gaarka loo ?leeyahay ee lagu baaro ama lagu gado daawoowynka ?cudurka qaaxada ee ay yimaadaan xarumaha dawliga ah ee ay taalo daawadda tayada leh.

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in cudurka? qaaxada aan? si fudud looga ?daaweyn Karin qofkii uu ku dhoco balse loo baahanyahay dadaal masuuliyadi ku dheehantahay.

Wuxuu wasiirku cambaareeyay dadka iskaleh xarumo caafimaadk ee gaarka loo leeyahay ?kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay eegtaan oo kaliya danahooda ganacsi.

Maalinta qaaxada aduunka ayaa sanad walba laga xusaa wadamada caalamka. Waxaana maanta laga xusayaa meelo badan oo kamid ah gobolada Soomaaliya.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

C/wali Maxamed Shiikh

Daljir Garoowe

?

?

?

?

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: