HomeUncategorized

Ururka NUSOJ oo sheegay in dib u eegis lagu samaynayo xeerka saxaafadda ee muranka dhaliyay

Garoowe, March 08- Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa daboolka ka qaaday arimo muran iyo kala aragti duwanaasho dhalisay oo ku saabsan xeer ay sheegtay dawladda Soomaaliya inay ku dhaqayso saxaafadda Soomaalida kaasoo la diyaariyay xiligii DKMG ahaa.

Tirada Dhimashada Qarax Muqdisho ka Dhacay oo korortay
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.
Waxgaradka degmada Burtinle oo dhaliilay Faarax Maxamuud Jaamac, iyo gudoomiyaha oo beeniyay eedahaas.

Garoowe, March 08- Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa daboolka ka qaaday arimo muran iyo kala aragti duwanaasho dhalisay oo ku saabsan xeer ay sheegtay dawladda Soomaaliya inay ku dhaqayso saxaafadda Soomaalida kaasoo la diyaariyay xiligii DKMG ahaa.


Xili bilihii ugu danbeeyay uu socday guux hareeyay qaar ka mida bahda warbaahinta kaasoo ka dhashay ku qanacsanaan la’aan fahanka xeerka saxaafadda iyo qaabka loogu dhaqayo ayaa ururka NUSOJ waxaa uu sheegay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in wax looga badalo xeerkaasi, kaasoo horayba ay u diideen xiligii la soo saaray.


Gudoomiyaha ururka NUSOJ? Burhaan Axmed Daahir ayaa daljir u sheegay inay jiraan kulamo wariyayaashu ay ka yeesheen arimahaasi, inkastoo uu sheegay inay ku dagdageen qaab dhigaalkoodii dib u eegineed iyo ka doodistii xeerkaas, kaasoo uu ku sheegay inaan hada lagu dhaqayn saxaafadda maadaamaa wali aan la meel marin.


Burhaan, ayaa carabka ku dhuftay in dhawaan ay billaaban doonaan shirar iyo kulamo lagu eegayo xeerkaas kaasoo qaadan doona muddo ka badan 1-sanno loona baahan yahay inay warfidiyeenadu ka qayb qaataan.


Gudoomiyaha ururka NUSOJ ayaa wariyayaasha ugu baaqay inaysan ka hordhicin arimaha noocaasa maadaamaa ay u baahantahay ka fiirsi qoto dheer iyo ka baaraan dagid fahan ku dhisan.


Hadalka Burhaan ayaa ku soo aadaya xili toddobaadyo ka hor kulan magaalada Gaalkacyo saxafiyiinta kulan ay ku yeesheen ay kaga hadleen xeerkaasi, kaasoo ay ku tilmaameen mid aan u cuntami karin.


Diiwaanka Wararka daljir
Garoowe
(S)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: