HomeUncategorized

Degmada Buurtilne oo loo magacaabay maamul cusub

Buurtinle 05, March, 2013,Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle ayaa maanta Liibaan Xirsi Khaliif u doortay gudoomiyaha degmada Burtinle.ee gobolka Nugaal

Daadad ku soo rogmaday tuulada Gosol ee gobolka Mudug oo hal qof la tagay, burburriyeyna dhimayaashii tuuladaasi.
Guddoomiyihii degmada X/Jajab Axmed Sheekh Maxamuud oo u geeriyooday qarax miino oo lala beegsaday.
Garowe oo lagu soo bandhigay wajigii 2-aad ee barnaamijka tiirarka dimuqraaddiyadda Puntland.

?

Buurtinle 05, March, 2013,Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle ayaa maanta Liibaan Xirsi Khaliif??u doortay gudoomiyaha degmada Burtinle.ee gobolka Nugaal

?Doorashada gudoomiyaha degmada Burtinle waxaa ka qeyb galay wasiirka arimaha??gudaha Puntland C/laahi Axmed Jaamac (Ilkojiir) iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Xirsi Cali Qarjab.

?Tirada guud ee golaha deegaanka Burtinle oo ah 23 mudane ayaa waxaaa ?goobta doorashada ka maqnaa labo mudane.

11 kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka Burtinle ayaa codkooda siiyay gudoomiyaha cusub ee Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif . waxaana??xilkaasi??kula tartmayay Xuseen Guuleed Xanaf oo helay?codka??10 mudane mana jirin cid ka aamustay doorashadaas. ?

?Gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Xirsi Cali Qarjab oo doorashada kadib la hadlay xildhibaanada golaha deegaanka Burtinle ayaa ugu baaqey inay dhexdooda ka saaraan muranada iyo isqab qabsiga ay ku kala qeybsamaan dhexdooda.

?Waxaana gudoomiyuhu ku dhaliilay golaha ?deegaanka Burtinle??isku dhiiri galin la?aanta??in la qaado canshuuraha lagu hormarinayo??degmadooda.

?Wasiirka arimaha??gudaha Puntland C/Laahi Jaamac Axmed {Ilkojiir} ayaa sheegay in wax laga qabanayo codsiyada ?golaha deegaanku u soo bandhigeen wasaaraadda arimaha gudaha Puntland.

Daljir Buurtinle

Cabdi Axmed Diiriye (Farateeb)

?

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: