HomeUncategorized

Maxkamada gobolka Nugaal oo maanta dib u dhigtay kiis la xiriira dilkii Xildhibaan Sheybe.

Garoowe, Feb 09- Maxkamada gobolka Nugaal ayaa maanta dib u dhigtay go,aan ka gaaridda kiis la xiriira dilkii allaha unariixstee xildhibaan C/salaam Sheikh Maxamuud (Sheybe) oo kamid ahaa barlamaanka Puntland kaasi oo sanadkii hore xilli aroor ah lagu dilay magaalada Garoowe.

Garoonka diyaaradaha Buuhoodle oo dhismihiisa laga shiray (Sawiro)
Madaxweyne Gaas oo Maanta u dhoofay Nairobi
Barnaamijka Tartanka iyo Tacliin oo caawa si rasmi ah u bilaabanaya

Garoowe, Feb 09- Maxkamada gobolka Nugaal ayaa maanta dib u dhigtay go,aan ka gaaridda kiis la xiriira dilkii? allaha unariixstee xildhibaan C/salaam Sheikh Maxamuud (Sheybe) oo kamid ahaa barlamaanka Puntland kaasi oo? sanadkii hore xilli aroor ah lagu dilay magaalada Garoowe.


Maxkamadda ayaa la horkeenay labo nin oo kiiskaasi ku eedaysnaa kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Cismaan Qaliif iyo Maxamuud Ismaaciil Carafaat oo ay? gacanta ay ku hayaan ciidanka nabad galyada Garoowe.


Markii ay maxkamaddu dhagaysatay? dacwadda xeer ilaaliyaha iyo qareenada difaacayay laba eedaysane waxay maxkamaddu kiiskaan? dib u dhigtay? ilaa 9ka bisha maarso xilligaasi oo maxkamaddu ay sheegtay in? la gaari doonto go?aanka ugu dambeeyay ee kiiskaan.


Labada nine ee kiiskaan loo soo qabtay oo ah niman dhalinyaraa ayaa muddo bilo ah? waxay ku jireen saldhigga dhexe ee Garoowe, iyagoo lagu haayay? baaritaano la xiriira kiiskaan.


Diiwaanka Wararka daljir
Garoowe
(S).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: