HomeUncategorized

Suldaan kamid ahaa isimada gobolka Bari oo lagu diley Boosaaso ( Dhegayso)

Boosaaso, Feb 2,2013, Alla Ha`unaxariistee waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu dilay Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ka mid ahaa issimada Puntland kana soo jeeda gobolka Bari.

Xafiiska imtixaanaadka ee Puntland oo baahiyey tirada, magacyada & gobollada ay ka kala yimaadeen 55-ka arday ee ku guulaysatay deeqda waxbarasho.
Barnaamijka Maslaxo – Fan-masraxeed odorasaya doorka Islaamka & dagaalada Somaliya. [Dhegaysi …]
Garoowe Oo lagaga dhawaaqay guddi dhaqaale u aruurinaya dhaawacyada laga keenay Jubbaland.

Boosaaso, Feb 2,2013, Alla Ha`unaxariistee waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu dilay Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ka mid ahaa issimada Puntland kana soo jeeda gobolka Bari.

?
Marxuumka ayaa goor barqo ah kooxo hubeysani ay kutoogteen agagaarka isgooyska Gaaca ee magaalada Boosaaso sida ay goobjoogayaal u sheegeen Radio Daljir.?
?
Waxaa uu ahaa suldaan Muuse Faarax Muuse suldaanka guud ee beelaha Muuse Saleebaan oo ka mid ah beelaha dega Puntland.
?
Ciidamada amaanka ee dawladda Puntland ayaa wada howlgallo lagu baadigoobayo kooxaha kadambeeyey dilka Suldaan Muuse Faarax Muuse.
?
Dhinaca kale dadweynaha reer Puntland, madaxdhaqameedka & Dawlada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee maanta ku timi AUN Suldaan Muuse Faarax Muuse.
?
Col Cabdicasiis Siciid Gacamey iyo Caaqil Axmed Xaaji Xassan oo la hadlay warbaahinta Daljir ayaa tacsi ka diray geerida Suldaanka.
?
In kastoo dilalka dadka wax ku oolka ah lagu bartilmaameedsado ay hada ka hor ka dhici jireen magaalada Boosaaso, ayaa dilkan maanta wuxuu kusoo beegmay xili amaanka magaalada Boosaaso uu yahay mid sugan oo mudooyinkii danbe adkaa, lamana oga meesha uu salka ku hayo dilka Suldaanku.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: