HomeUncategorized

4-qof oo ku dhaawacantay shil gaari oo kadhacay Nugaal

Garowe, Jan 24 - 4-qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo subaxii hore ee maanta kadhacay tuullada Ilmo adeer oo katirsan gobolka Nugaal.

Tartan iyo Tacliin: Shaafici Boosaso oo u gudbay tartanka kama dambaysta iyo Al-Nur oo haray
Ra?iisul W. Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay kasoo qabygaleen boqlaal dhalinyaro ah.
SAWIRRO-Gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen ee Puntland oo la daahfuray.

Garowe, Jan 24 – 4-qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo subaxii hore ee maanta kadhacay tuullada Ilmo adeer oo katirsan gobolka Nugaal.

Shilkan ayaa yimid kadib markii uu gadoomay gaari nooca xamuulka qaada oo loo yaqaan Candhomaydle , kaasi oo ka yimid miyiga gobolka Nugaal.

Gaariga oo kusii jeeday degmada Dangoroyo ayaa waday xoollo u badan arri oo uu kasoo qaaday miyiga gobolka Nugaal.

Taliyaha ciidamada wadooyinka Puntland ee gobolka Nugaal ayaa gaaray goobta uu shilku kadhacay, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo si? loogu daweeyo dhaawacyada soo gaaray.

Sanadkasta waxaa gudaha Puntland kadhaca shilal sababa dhimasho iyo dhaawac, waxaana eedda ugu badan loo jeediyaa wadayaasha gaadiidka qaar oo aan lahayn xirfad dareewal.

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.

?


?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: