HomeUncategorized

Gudoomiyaha degmada Benderbayla oo ka hadlay kalluun xeebta kasoo caariyay

Benderbayla, Jan 19 - Maamullka degmada Benderbayla ee gobolka Karkaar ayaa ku goodiyay inay talaabo ka qaadayaan maraakiib uu tilmaamay inay jariif ku hayaan xeebaha degmada Benderbayla, iyadoo uu tilmaamay kalluun badan inuu kasoo caariyay xeebta degmada Benderbayla.

RW Cumar oo tacsi u Diray Qoyska reer Cabdiraxman Faroole
Xidigaha xulka Mudug oo eedeeyey Guddoonka ciyaaraha & tababaraha xulka kubadda cagta ee gobolka Mudug.
Baahin: Arbaca, Nov 16, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Mudanayasha baarlamaanka Puntland oo ka dooday sharciga kalluumaysiga badda; Arday hore loogu diray tacliin sare dalka Turkiga oo dib loogu soo celiyey Somaliya; Shir lagu gorfeeyey hirgleinta mashruuca dhismaha wadooyinka Bossaso oo u furmay madaxda gobolka, ganacsatada, Issimada & ururada rayadka ah.

Benderbayla, Jan 19 – Maamullka degmada Benderbayla ee gobolka Karkaar ayaa ku goodiyay inay talaabo ka qaadayaan maraakiib uu tilmaamay inay jariif ku hayaan xeebaha degmada Benderbayla, iyadoo uu tilmaamay kalluun badan inuu kasoo caariyay xeebta degmada Benderbayla.

Gudoomiyaha degmada Benderbayla Saciid Aadan Cali ayaa waraysi uu siiyay radio Daljir waxaa uu ku sheegay maamulka degmada oo kaashanaya ciidamo abaabulan oo deegaanka inay weeraro ku qaadayaan maraakiibta jariifka ku wada xeebta degmada.

Waxaa dhinaca kalle uu sheegay inaan la ogolaan karin ruqsad kalluumaysi in? loo ogolaado maraakiibta waawayn ee jariifka oo uu ku tilmaamay kuwa baabi’inaya xeebta deegaanka.

Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland ayaa dhawaan soo saartay go’aamo lagu mamnuucayo jariifka badda , hasse ahaatee weli ma muuqato talaabooyin arinkaasi dhaqangal kadhigi kara oo ay qaaday wasaaradda.

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: