HomeUncategorized

Urur siyaasadeedka Hor-Cad oo ififaalo ka muujiyay inuu hirgallo nidaamka axsaabta ee Puntland

Bosaso, Jan 15 - Urur siyaasadeedka ee u tartami doona ka mid noqoshada axsaabta rasmiga ee Puntland ayaa ka codsaday dadwaynaha inay ku dadaalaan sidii ay uga shqayn lahaayeen xoojinta nabadgalyada Puntland.

Galkacyo: Shir u dhamaaday Saraakiisha sare ee bilayska Puntland iyo guddiga amniga gobolka Mudug.
DHEGEYSO-Reer Hiiraan oo qaadacay qorshaha IGAD ee maamul u samaynta Hiiraan iyo Sh.dhexe.
Madaxweynaha Puntland oo Umadda ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda

Bosaso, Jan 15 – Urur siyaasadeedka Hormar iyo Cadaalad (Hor-Cad) oo ka mid ah ururada? u tartami doona ka mid noqoshada axsaabta rasmiga ee Puntland ayaa ka codsaday dadwaynaha inay ku dadaalaan sidii ay uga shqayn lahaayeen xoojinta nabadgalyada Puntland.

Afhayeenka urur siyaasadeedka Hor-cad Axmed Yaasiin saalah oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa sheegay horumarka inuu ku xiranyahay amaanka, loona baahanyahay shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo amaanka

Waxaa sidoo kale uu sheegay hormarka axsaabta? inay fursad wanaagsan u tahay dhalinyarada.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inay jiri karaan dib u dhac iyo horumar balse loo baahanyahay markasta dhinaca wanaaga in laga qaybqaato.

Waxaa uu sidoo kale sheegay shir magaalada Garowe dhawaan isugu yimaadeen ururada siyaasadeedyada in looga hadlay oo ay ugu wayneed

Samaynta maxkamadda dastuuriga.
Guddiga doorashada inuu dhexdhexaad ka ahaado doorashooyinka

Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa 31-kii December ee sanadkii tagay ku dhawaaqay inuu xirmay wajiga koobaad ee ururada siysaadda oo ay usoo gudbeen lix urur.

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: