HomeUncategorized

Soomaaliland oo Sheegtay inay soo afjarayso muranka ka jira maamulka degmada Saylac.

Saylac, Jan, 10- Maamulka Soomalilaan ayaa sheegay inuu wado dadaalo lagu soo afjarayo xiisadda ka taagan degmada Saylac, taasi oo dibadbaxyo rabshado wata oo shalay kadhacay deegaankaasi uu ku geeriyooday 1-qof, 11 kalana ay ku dhaawacmeen rasaas ciidamada Soomaalilan ay ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay.

Waraysiyo ku saabsan iska-horimaad ku dhex maray Khayr-seexay, ee duleedka Garowe, dablay beeleed & ciidanka amniga ee Puntland.
Baahin: Khamiis, Feb 16, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. R/wasaare Gaas oo ugu baaqay madaxda shirka Garowe II dhamaystirka dastuurka & dib u habaynta baarlamaanka; Ganacsatada oo dhib kala kulanta wadada isku xirta Bossaso & Laasqoray oo burbursan, caqabadna ku ah ganacsiga; Mudanayaal ka tirsan dawlada federaalka oo ku baaqay in dastuurka Somaliya lagu dhaqan geliyo afti shacab.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.

?

Saylac, Jan, 10- Maamulka Soomalilaan ayaa sheegay inuu wado dadaalo lagu soo afjarayo xiisadda ka taagan degmada ?Saylac, taasi oo dibadbaxyo rabshado wata oo shalay kadhacay deegaankaasi uu ku geeriyooday 1-qof, 11 kalana ay ku dhaawacmeen rasaas ciidamada Soomaalilan ay ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay.
?
Wasiirka gaashaandhiga ee Soomalilaan Axmed Xaaji Cadami oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa sheegay si loo soo afjaro xiisadda Saylac ee kadhalatay doorashadii gudoomiyaha iyo kuxigeenka cusub ee maamulka degmada Saylac inay kulamo la leeyihiin labada beelood ee wax kala tabanaya ee deegaanka ku nool.
?
Wasiirka ayaa dhanka kale waraysigiisa ku soo hadal qaaday dhaqdhaqaaqyada kooxda Alshabaab ee buuraha Galgala oo dadka qaar ay aaminsan yihiin inay ka soo galaan deegaano ka mida Soomaalilan, arintaas ayuu ku tilmaamay mid aysan waxba ka jirin isla markaana aysan raali ka ahayn inay deegaanadooda soo maraan xooggaga Alshabaab.
?
Cadami ayaa tilmaamay inay bilaabayaan dhaqdhaqaaqyo ay kaga hortagayaan xooggaga Alshabaab oo laga soo qabsaday deegaano badan oo koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo Soomaalilaan ay ku sheegtay inay qulqulka xooggagaasi ee deegaanada waqooyi bari inay saamaynayso Soomaalilaan.
?
Diiwaanka Wararka daljir
Warqabad
(S).

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: