HomeUncategorized

Cisbitaalka Baladweyne oo qarka u saaran inuu xirmo ka markii ay ka baxday ha’addii gacanta ku haysay.

Baladweyne, Dec, 31- Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in inuu xirmo uu ku dhaw cisbitaalkaa weyn ee magaalada Baladweyne ka dib markii ay shaqadii ay ka waday ay joojisay hay'ada MSF oo gacanta in muddaaba ku haysay.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Shir 3-geesood ah oo Garowe uga furmay madaxda Puntland, TFG-da, & Ahlu-suna.
Labada dugsi sare ee Al-waaxa Garoowe iyo Bossaso Secondary oo isugu soo haray finalka Tartan iyo Tacliin.

Baladweyne, Dec, 31- Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in inuu xirmo uu ku dhaw cisbitaalkaa weyn ee magaalada Baladweyne ka dib markii ay shaqadii ay ka waday ay joojisay hay’ada MSF oo gacanta in muddaaba ku haysay.


Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF oo bilo ka hor u sii digtay daneeyaasha cisbitaalka ayaa ku dhawaaqday inay si rasmiya u joojisay adeegyadii caafimaad ee ay ka fulin jirtay cisbitaalkaasi.


Agaasimaha cisbitaalka Dr, Axmed Maxamed Khaliif oo maanta waraysi siiyay radio daljir ayaa daljir u xaqiijiyay dhab ahaanshaha shaqada ay joojisay MSF, isagoo ka digay waxa ka dhalan doona walaaca ay ka muujin doonaan arintani shacabkii adeegyada caafimaad u soo doonan jiray cisbitaalkaasi.


Cisbitaalka Baladweyne ayaa ka mida cisbitaalada ugu waaweyn gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu adeeg caafimaad siin jiray boqolaal qof oo gobolkaa.

Diiwaanka Wararka Daljir

Baladweyne

(S)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: