HomeUncategorized

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo si diirran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo, (Sawirro).

Gaalkacyo, 23, Dec- Waxaa barqanimadii maanta garoonkaa diyaaradaha ka soo dagay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo bilihii ugu danbeeyay ku maqnaa dalka dibadiisa sidoo kalana soo xajiyay.

SAWIRRO-Gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen ee Puntland oo la daahfuray.
Dagaalkii Sool-joogto oo joogsaday iyo ciidamada deegaanka Buuhoodle guulo ka sheegtay.
Muhaajirin ay ku jiraan Soomaali oo ku Geeriyooday Dooni ku Qalibantay badda Gariigga

Gaalkacyo, 23, Dec-? Waxaa barqanimadii maanta garoonkaa diyaaradaha ka soo dagay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo bilihii ugu danbeeyay ku maqnaa dalka dibadiisa sidoo kalana soo xajiyay.


Amiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Mudug, odoyaal iyo dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada Gaalkacyo.


Amiirka oo soo dhawayntiisa ka dib saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay inuu tagay meelo kala duwan isla markaana uu meel walba oo uu tago uu kala hadlayay midnimada,nabadda iyo hormarka ka socda gobolka.


Amiirka ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabad galyada iyo midnimada, isaguna uu ka sii qayb qaadan doono sidii maslxada dalka looga shaqayn lahaa.


Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa isaguna soo dhawaynta Amiirka ka hadlay ayaa dhamanaba shacaabka gobalka mudug uga mahadcaliyay soo dhawaaynta Amiirkaa isagona kuso dhaweyay Magalada Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise.


Imaatinka Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise ayaa ku soo aadaysa xili muddooyinkii ugu danbeeyay gudaha Puntland ay soo gaarayeen Isimada Puntland oo ah hay’adda dhinaca dhaqanka ugu saraysa.

Diiwaanka Wararka daljir

Gaalkacyo

(S)

Sawirro.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

?


?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: