HomeUncategorized

Kaluumaysatada Puntland oo ka cabanaya Xaalufin lagu hayo badda.

Boosaaso, Dec, 8 Kalluumaystada xeebaha Puntland ayaa sheegay wali inay sii kordhayaan gaadiidka sida sharci daradda ah uga kaluumaysanaya xeebaha Puntland kuwaasoo xaalufinaya Khayraadka Badda ee Puntland.

Alshabab oo sheegatay qarax Ceel-waaq lagula beegsaday ciidanka Kenya.
Baarlamanka Kenya oo ku mashquulsan sidii loo xiri lahaa xeryaha qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab

Boosaaso, Dec, 8 Kalluumaystada xeebaha Puntland ayaa sheegay wali inay sii kordhayaan gaadiidka sida sharci daradda ah uga kaluumaysanaya xeebaha Puntland kuwaasoo xaalufinaya Khayraadka Badda ee Puntland.

?
Waxay sheegeen in Maraakiib badan oo Jariif ah ay ku jiraan biyaha Puntland kuwaasoo dhibaato xoogan ku haya Kaluumaysatadda iyo khayraadka bada oo a si ba’an u xaalufinayaan.
?
Cali Xuseen Cali (Cali Mire) oo u waramay Radio Daljir ayaa sheegay in socdaalo uu ku tegey xeebaha Puntland uu kusoo arkay dhibaatooyin badan oo maraakiibta Jariifku u geysteen xeebaha Puntland.
?
Sidoo kale Wuxuu soo dhoweeyey Go’aan Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland dhowaan ku mamnuucda maraakiibta Jariifka ee kusugan xeebaha Puntland.
?
Arintani ayaa marar badan kusoo noqnoqotay waxaana Dawlada Puntland sheegtay inay wax ka qabanayso intii awoodeedda ah, Iyadoo Dawladu sheegtay in beesha caalamka ay gaarsiiyeen dhibaatooyinka ay maraakiibtaasi ku hayaan xeebaha Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: