HomeUncategorized

Kulan looga hadlay siyaasada Barakacaayasha Puntland oo ka dhacay Boosaaso (Dhegayso)

Boosaaso, Dec 2, Kulan looga hadlayey siyaasada Dawlada Puntland ee arimaha Barakacayaasha ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ahna rugta Ganacsiga ee Puntland, kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arimaha gudaha Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay horjoogayaasha 32 kaam oo Barakacayaashu ku leeyihiin Boosaaso, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Hay'adaha arimaha bini aadanimadda, iyo qaybo kale oo badan.

Islaamiyiinta oo dib u qabsaday goobihii shalay laga qabsadey ee magaalada Muqdisho. [Akhris …]
Warsixaafadeed ay soo saareen gudiga haga barnaamijka doorashooyinka Dawladdaha hoose ee Puntland ka dhicidoona
(DHAGEYSO) Waxgaradka Gobalka Hiiraan oo labo u kala qeybsamay

?

Boosaaso, Dec 2, Kulan looga hadlayey siyaasada Dawlada Puntland ee arimaha Barakacayaasha ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ahna rugta Ganacsiga ee Puntland, kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arimaha gudaha Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay horjoogayaasha 32 kaam oo Barakacayaashu ku leeyihiin Boosaaso, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, ?Hay’adaha arimaha bini aadanimadda, iyo qaybo kale oo badan.
?
Xasan Cabdalle Xasan Duqa Degmada Boosaaso oo ugu horayn shirka ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey xeerka shirka looga hadlayey oo lagu magacaabo Hagaha Barakacayaasha, Duqa degmada ayaa kasoo qayb galayaasha ugu baaqay in la hirgeliyo xeerkan hagaya Barakacayaasha.
?
Cabdisamed Maxamed Gallan oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyey xeerkan kuna baaqay in la ilaaliyo Xaquuqda barakacayaasha,?
?
Intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay Masuuliyiin ka socda Wasaradaha Puntland, Ururo Bulsho, dadka deegaanka iyo Hay’adaha Xaquuqul Insaanka ?waxayna dhamaan dadkii hadlay isku raaceen in ?la ilaaliyo Xaquuqda Barakacaasha oo xeerkani qeexayo.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: