HomeUncategorized

Qorshaha maamul u dhiska Jubooyinka & Gedo oo gaba gabo maraya (Dhegayso)

Kismaayo, Nov 28, Gudiga maamul u samaynta ee goboladda Jubbooyinka & Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha maamul u samaynta ee goboladaasi ay xiligan marayo meel aad u wanaagsan gaba gabana ku dhow dahay.

DHEGEYSO-Takhaatiir iyo shaqaalihii Hay’ada NILE oo ka guurey Muqdisho.
Caawa iyo Daljir_Isniin, Nov 12-2012, Maxamed Cabdilaahi Cali (Kooshin)_Daljir Garoowe.
Wafti ka socda dalka Turkiga oo soo gaadhey magaaladda Boosaaso.

Kismaayo, Nov 28, Gudiga maamul u samaynta ee goboladda Jubbooyinka & Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha maamul u samaynta ee goboladaasi ay xiligan marayo meel aad u wanaagsan gaba gabana ku dhow dahay.

Cabdilaahi Maxamed Nuur Afhayeenka gudiga dib u heshiisiinta iyo Wacyigelinta ee gudiga maamul u samaynta goboladda Jubbooyinka iyo Gedo oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa sheegay in dhowaan la qaban doono shirweynaha lagu samaynayo maamul goboleedkaasi.
?
Wuxuu sheegay in 500 oo ergey ay tegi doonaan shirkaasi kuwaasoo isugu jira, Isimo, Aqoon yahan, Culimo, Haween, Dhalin yaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada goboladda Jubbooyinka iyo Gedo.
?
“Gudiyadii waa la sameeyey waana diyaar markaa 500 oo ergey oo dadka deegaanka ah oo sadexdaas gobol ka kooban ayaa la keenayaa iyaga ayaana samayn doona maamulka” Ayuu yiri Cabdilaahi Maxamed Nuur.
?
Sidoo kale wuxuu sheegay afhayeenku in hawshaasi ku qabsoomi doonto mudo 25 maalmood ah sida uu sheegay.
Mudooyinkii danbe goboladda Jubbooyinka iyo Gedo ee dalka Soomaaliya waxaa ka soconayey hawlo lagu damacsan yahay in maamul loogu dhiso goboladaasi, Waxaana xiligan la sheegayaa in lasoo afmeeri rabo ka mira dhalinta qorshahaasi.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: